Sawiro:Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhagax dhigay Xarunta Gurmadka degdegga ah

rooble

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax-dhigay xarunta gurmadka qaranka oo loogu talagalay in ay daboosho Xaaladaha deg degg ah ee ay keenaan noocyada kala duwan ee masiibooyinka.

Xarunta gurmadka Degdegga ah ayaa noqon doonta mid isku xirta dhamaan hay’adaha gurmadka dalka oo dhan, waxayna aruurin doontaa macluumaaadka halista soo socota, lana wadaagi doontaa dhinacyada ay khuseyso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in markii uu booqday qaar ka mid ah isbitaalada Muqdisho , arkayna casharradii laga bartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe iyo dhacdooyin kale oo dalka soo maray ay lagama maarmaan noqotay dardargelinta dhismaha xarunta, oo laamo ku yeelanaysa caasimadaha dowlad gobolleedyada.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahadceliyay dowladda Sweden iyo Bangiga Adduunka oo maalingalinaya dhismaha Xarunta, oo lagu soo gabagabeyn doono muddo gaaban.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.