Sawiro:Jeneraal Odawaa iyo Ciidan uu Hoggaaminayo oo Gaaray Degmada Baladxaawo

odawaa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Odawaa Yuusuf Raage iyo Ciidan uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, halkaasi ay ku soo dhaweeyeen Sariisha Ciidanka Qalabka Sida ee gobolkaasi ku sugan iyo Maamulka Gobolka Gedo, kuwaasi oo ay kamid yihiin Taliyaha Howlgalinta Guutada Gorgor Cumar Deeq, Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji Macalimuu, Madaxa Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Diini, Taliyaha Ciidamadda Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke Taliyaha Qeybta Booliska  Cabdiqaadir Biixi, Maamulka Degmada Doolow Soomaaliya iyo qaar ka mid ah sarakiisha Ciidankaa NISA ee Degmooyinka Doolow. Luuq iyo Masuuliyiin Kale.

Wafdiga Taliyaha waxaa ka mid ah Taliyaha Qeybta 43-aad ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Bogmadoow iyo Taliyaha Guutada 12-aad ciidanka xoogga dalka Jeneraal Sanka.

Ujeedka safarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ku tegay ayaa ahaa sidii uu u kormeerilahaa xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolkaasi, isla markaasna ugu kuurgeli lahaa shaqada adag ee Qaranka ay u hayaan ciidanka.

Taliyaha Ciidanka ayaa inta uu ku suganyahay Gobolka Gedo wuxuu gaari doonaa magaalooyinkaCeelwaaq, Garbahaareey iyo Luuq ee Gobolka Gedo ka tirsan.

odawaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.