Sow Tan Somaalida Dhaqankii ka Dhumay

walixasanxaad

Waxaanu lahayn dhaqan suuban oo soo jireen ah,dadku iskuma jirin ee qofba ama kooxba meel ku qaybsanayd, waxaa soo yeeri jirey war waxaa la dhehi jirey hedel baa yeri ama keenay islamarkiiba go’aan baa laga qaadan jirey oo waxaa la oran jirey waa loo qaateen ama warka hebel meel naga dhiga kuma xisaabtami karnee sidaas baana arintaas noqon jirtey.

Dhib baa dhici jirey meer meer malahayn oo waxaa la oran jirey ma ugubbaa  mise waa soo jireen,haddii la yiraahdo waa soo jireen wixii horay u dhacay bay la xeer noqon jirtey,haday ugub ama wax cusub tahayna gudi xeer cusub u sameeye baa loo saari jirey arinta cusub iyo haday soo noqotaba,waayo dadku wuxuu lahaa waxgarad,culumo ,ardaal, haween iyo caruur,koox kastana meel ama kaalin bay bulshada ku lahayd oo waa tii la oran jirey (WAXII ARDAAL BI,IYO ODAY BAY UTAAL AMA IQYAAR WAXAYSAN FOOFSAN BAA U SOO HOYATA) SOOMAALIDA QAARNA WAXAY YIRAAHDAA (LAN ROOROORA LAHOW LAN REEREEBANA LAHOW),Haddaba maanta maxaa dadkii garba siman ka dhiga ama odaygii wax daaweyn jirey iyo culumadii kuwa u liita ka dhigay? Su’aashu waa noo dhextaal ee anigu aan fikerkayga dhiibto.

Burburkii wuxuu la yimid bililiqo ku dhacday guurtidii ama odayaashi dhaqanka oo soo jireenka ahaa,waxaana soo baxay saddex nooc oo kala ah dhaqankii suubanaa, kuqataar iyo jinni boqor.

Haddaba maxay kala yihiin:-

1-DHAQANKII SUUBANAA waa kii soo jireenka ahaa waana fara ku tiris asluubtii iyo dhaqankiin lagu yiqiin ma dhumin sharftii iyo xushmadiina wali waa leeyihiin laakiin cid dhegaysta baa iska yar.

2-KUQATAAR;- ODAYGII DHAQANKA EE XISHOONAAYEY MARKII UU KA MAAGAY IN UU WAX XUN FARAHA LAGALO AYAA WAXAA BEESHA DHEXDEEDII LAGA RAADIYEY MID AAN XISHOON OO LA ADEEGSAN KARO,WAXAANA SAMEEYEY QABQABLAYAASHII AMA DAGAAL OOGAYAASHII (WAR LORDS) IYO DAWLADIHII KU MEEL GAARKA AHAA QAARKOOD KOOXDIIMEEDYADUNA KAALINTOODA BAY KU LEEYIHIIN ILAA HADDA.

3-JINIBOQOR;- ASAGAA IS BOQRAY WUXUUNA RAADIYAA SUUQ UU KA GADMO WAA NIN KARMEED XOOGSANAAYA XAAJADIISUNA WAA KU SHUBO, NINKII HAWLGALIYA BUU U ADEEGAA SI HAGAR LA’AANA MEEL AY LA MARTABA WAAYO IN UU KA MIRA DHALIYO OO KII BAALAAYO IYO DULMI RABAA BERI U YEERTO BAA DANTIISAA.

Aan soo gunaanado xaajada waxaa igu dhaliyey nin odaydhaqan sheeganaaya baa maalin dhaweyd wuxuu sheegay in Maxamed Siyaad kadib dawladaan wax dhaama aanaan arag, hadde akhristayaal waxaad idinku qabtaan ma ogi laakiin tii ugu roonayd duq Siyaad kadib in ay tahay anigu waan qabaa, oday dhaqameedyo kuwa sheeganaaya baa ka daba qaatay waxayna si qabyaaladeysan afka ugu dhufteen reerkii uu ka dhashay oo aan hubo in uusan  ugaas uhayn iyo madaxweyna Soomaaliya oo isna la beeleeyey, sidaas darteed waxaa ii soo baxday dhammaantood in ay ahaayeen kuqataar ama jiniboqor waayo dadka Soomaaliyeed waxaan ku baraarujinayaa in aan loo arag dhamaantood in af beeleed ku hadlayeen waxayna la mid yihiin ragaas kuwii sidaan horey u yiri;-

1-Mid baa loo dacwooday oo la yiri gurigaas dawlada baa leh ee dadka ku jira adaa oday u ah ee ka saar,wuxuuna tiifiiyada ka sheegay xagee uga baxnaa gabadhii ku dhalatay baa haddana ku dhashay.

2-midna wuxuu yiri hebelka xiran haddii aan la siideyn madaxtooyada baan geleynaa.

3-mid kale wuxuu yiri nin qof dilay haddii la toogto waanu dagaalameynaa.

Haddaba ma is dhahdeen dhammaanteen waxaan u baahanahay tababar dhaqancelineed oo bulshada koox kasta kalinteedii la baro?

Wabilaahi Towfiiq.

DHIBLAAWE.

1 Comment

  1. Dhiblaawe, sida Aad adi u aragto iyo sida aad u hadashay, qof kasta kama iibsamayso, Somali badan baa u haysata in dawladdii Siyaad Barre ay abuurtay burburka Somali ku dhacay, Somali xasuuqday, shacab diyaarado ku garaacday, wadaado laysay, halkee fiicni usoo martay. Farmaajo Somali buu cadow u dhiibay, hore uma dhicin, saaxiibkii waa Afwerqi Ereteria gumeeyey, iyo Abbiya, adeer waa kala maan Somali, adna taada wado, hana la yabin ninka kaasoo horjeesta, waligeed tani waa kala mannan doontaä.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.