Sawiro:Madaxwayne farmaajo oo gaaray Magaalada Jubba

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya munaasabadda heshiiska nabadeed ee dalka Suudaan ayaa gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey.

Dowladda Suudaanta Koonfureed  ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku lahayd wada-xaajoodyadan nabadeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay hiigsaneysaa daris-wanaagga, iyada oo ka shaqeynaysa nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah Madaxweynayaasha markhaatiga ka ah heshiiskan nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta dalka Suudaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.