Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Masuuliyiin ka tirsan Imaradka iyo Kenya

axmed madoobe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u safraya dalka Kenya, ka dib markii dalab uga yimid xubnaha Imaaraatka Carabta ee kusugan Nairobi oo malmihii u dambeeyey kulamo ugu yeerayay maamul gobaleedyada taabacsan.

Axmed Madoobe waxaa kasii horeeyey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo markale maanta ay is arag gaar ah yeelan doonaan Madaxa Arrimaha Sirdoonka u qaabilsan Imaaraatka Carabta ee Geeska Afrika oo ay Imaaraatku u dirsadeen howlaha doorashada Soomaaliya.

1 Comment

  1. Nimamankan waa tuug ee somaliyey
    Somalia kabadbaadiya

    Kolay somali way aay taqaan Dani iyo Madoobe
    Immarates iyo kenya dullaal uyihiin
    Shabka somaliyed mahan inay
    Eegtan nimaankan dhibka waxa uu taaban
    Doono waa shacabka runtii
    Kenya ayay uyaaceen balarka subxana laah
    Asc

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.