Sawiro:Ciidamada Amniga oo hawgal ka sameeyey Duleedka Dhuusamareeb

ciidandhuusamreb

Ciidamado isugu jira Boolis iyo Milatari ayaa howlgallo balaaran ka sameeyey deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud, gaar ahaan kuwa Hoostaga magaalada Dhusamareeb, waxaana ka mid ah Ilix, Booda-dheere, Labidule, Sina-dhaqo iyo Deegaano kale waxaana lagu baadi goobayey maleeshiyaadka Al-Shabaab oo shacabka Deegaanka dhibaato u gaysta.

Howlgalka oo socanayey in ka badan 48 saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa si wada jir ah ciidamada u hor kacayey Taliyaasha Qaybta Guud ee Booliska Galmudug Sareeye Guuto Bishaar Abshir Geedi iyo Taliyaha Guutada 15aad kana tirsan Qaybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame, waxaana ciidamada ay fariisimo ka samaysteen goobihii howlgallada laga sameeyey.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa isaga baxay Deeganada aan kor ku soo xusnay kadib markii ciidamadu ay halkaasi ka sameeyeen howlgal qorshaysan, iyadoo Taliska Booliska Galmudug uu balan qaaday in meel kasta oo Maleeshiyaadka lagu arko lagula dagaalami doono, bulshada Deegaankana ugu baaqay inay soo sheegaan Argagixisada meelkasta oo ay ku arkaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.