Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ku Dhawaaqay In Doorasho Loo Dhaqaaqayo

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta soo saaray qoraalka faafinta iyo dhaqangelinta heshiiskii siyaasadeed ee la xiriiray doorashooyinka 2020/2021 oo ay 1-dii October gaareen Madasha Qaranka.

Hadal kooban oo uu jeediyay ayuu Ra’iisul Wasaara Rooble ku sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo eegaysa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin xalaal ah oo daahfuran dalka ka dhacaan, ay ku wargalineyso dhammaan hay’adaha kala duwan ee qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka iney waajibaadka kaga aaddan u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay u gudbineysaa hay’adaha Qaranka qoraalka faafinta iyo dhaqan gelinta doorashooyinka 2020/2021, kaasi oo ku saleysan heshiisyada doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku gaaray, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo eegeysa muhiimadda ay leedahay doorashooyin xalaal ah oo daah furan dalka ka dhacaan”. Ayuu  yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadalkiisa ku daray “Xukuumadda waxay ku wargelineysaa dhamaan hay’adaha kala duwan ee Qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka inay u diyaar garoobaan waajibaadkooda kaga aadan u gutaan si waafaqsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.