Hirshabeele iyo Amisom oo kawada hadlay dagaal ka dhana shabaab

hirshabeele

Wasiirka Amniga Maamulka Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Kheyre ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay  Danjire Francisco Madeira oo ah Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM Jeneraal Ndegeye.

Labada dhinac ayaa kulanka xoogga ku saaray  howlgalada ka dhanka maleeshiyada Al-Shabaab laguna xaqiijinayo amniga deegaannada Hirshabeelle.

Sidoo kale, Wasiirka amniga Hirshabeelle, Danjire Francisco Caetano Madeira iyo General Ndegeye ayaa isla soo hadal qaaday amniga doorashooyinka Hirsahabeelle iyo sidii loo sugi lahaa.

Maamulka Hirshabeelle ayaa galaya marxalad doorasho, maadama muddo xilleedka dastuuriga ah ee maamulka uu dhow yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.