Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Amiir Sheekh Sabaax

Farmaajo

Madaxweynaha dawladda FS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dawladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Kuwait uga tacsiyeeyey geerida Amiirkii dalkaas Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir oo saaka ku dhintay dalka Maraykanka, isagoo da’diisu ahayd 91-sano.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu tacsi gaar ah u diray Qoyska boqortooyada iyo eheladii uu ka baxay amiirka Kuwait, waxaana uu xusay in dawladda Kuwait iyo shacabkeeda uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo Soomaaliya, taas oo uu rajeynayo inay sii socoto, waxaana uu amiirka dhintay ku sifeeyey mid caan ku ahaa arrimaha samafalka.

a.

Sheekh Nawaaf Al-axmed oo walaal la ahaa Amiirka geeriyooday ayaa berri loo dhaarin doonaa Amiirka cusub ee Kuwait, waxaana barri kulan yeelanaya Baarlamaanka dalkaas

Amiir Sabaax, waxa uu muddo ka badan nus qarni ku jiray siyaasadda dawladda Kuwait, isagoo noqday, Ra’iisal wasaare, wasiirka warfaafinta iyo wasiirkii arrimaha dibadda ugu waqtiga dheeraa Kuwait, sidoo kalena waxa uu Amiir dalkaasi ka noqday 2006-dii.

Sheekh Sabaax waxa uu calaaqaad gaaar ah la lahaa Soomaaliya, waxaana uu Beer ku lahaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, halkaas oo uu waqtiyo nasiino ah ku qaadan jiray 1978-dii iyo sanado ka dambeeyeyba.

Kuwait waxay qabanqaabinaysay sanadkan inay marti galiso shir muhiim ah oo looga hadli lahaa horumarinta waxbarashada Soomaaliya, balse waxaa loo baajiyey cudurka Crona dartiis.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.