Sawiro:Wafti ka socda Amisom oo gaaray Dhuusamareeb

amisom

Taliyaha qaybta afaraad ee ciidamada AMISOM Col. Cabdiraxmaan Riyaale Xareed oo maanta gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa kulan looga hadlayay Amniga la qaatay Saraakiisha Taliska Qaybta 21-aad oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qaybta Gen. C/Casiis C/laahi Qooje.

Kulankan oo diirada lagu saarey howlgalada Argagaxisada looga xoraynayo Galmudug ayuu taliska 21-aad uga mahad celiyay Ciidanka Jabuuti doorka ay ku leeyihiin howlaha socda, iyadoo la isla eegay sida ugu haboon ee howlgalada loo balaarin karayo, si argagaxisada looga dulqaado shacabka soomaaliyeed ee ay dhibta ku hayeen wax ka badan 10-sano.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.