Sawiro:QoorQoor oo Ciidamo Tobabar ugu soo xiray Gaalkacyo

Qoorqoor

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa xerada ciidanka Indhaqaris ee Duleedka Degmada Gaalkacyo tababar ugu soo xiray dufcaddii 1aad ee dhammaysata tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug.

Ciidanka tababarku u xirmay ayaa soo bandhigay xirfado kala duwan oo ay barteen muddadii uu u socdey tababarku.

Wasiirka amniga Gudaha Axmed Macallin Fiqi oo goobjoog ka ahaa munaasabadda qalinjebinta ayaa madaxweynaha usharaxay heerarkii tababarku soomaray iyo tayadda ciidamada isagoo xusay in ciidankaan aan muuqaalkooda kaliya la dhisan, ee sidoo kale la dhisay maskaxdooda iyo moralkooda isla markaana ay socoto diwaangelintoodu [DataBase].

Madaxweynaha Qoorqor oo la dardaarmay ciidanka ayaa faray iney si daacad ah u gutaan waajibaadkooda ku aadan sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka cadawga.
Isagoona u ballanqaaday xaquuqdooda iyo darajadooda dallacsiin.

Madaxweynaha ayaa gabagabadii munaasabaddana abaalmarinno ku guddoonsiiyay saraakiishii tabarka bixinaysay iyo askartii ugu wanaagsaneed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.