Baarlamaanka Soomaaliya oo ansaxiyay heshiiska Dowlada iyo Maamul goboleedyada

barlamaan

Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansaxiyay heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka dalka, kaas oo ay Muqdisho ku gaareen Madaxweynaha JFS,madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Heshiiska ayaa waxaa oggolaatay 252 xildhibaan,waxaa diiday 2,halka uu ka aamusay 1 xildhibaan sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xildhibaannada uga mahadceliyay ansaxinta sharcigaan oo uu sheegay inuu muhiim uyahay doorasho ka dhacdo dalka.

Kulanka ayaa waxaa wadajir u shir guddoominayay guddoomiyeyaasha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Aqalka sare Mudane, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadooda.

Qorshaha doorashada baarlamaanka Soomaaliya ayaa billaabaneysa 01-November 2020 sida ku cad qodob kamid ah heshiiskaan ay maanta ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.