Sawiro:Laftagareen oo kulan laqaatay Xildhibaanada laga soo doorto Koonfurgalbeed

Laftagareeen

Kulank isugu jiray qado iyo kala war qaadasho, waxaana uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen uu magaalada Muqdisho ugu sameeyay Xildhibaanadda labada Aqal ee ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Wasiiro, waxaana kulanka ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey,guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale.

Ugu horeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedk Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa madaxda kulanka ka qeyb gashay u faah faahiyay shirarkii Sama-reeb ee 1,2 iyo 3-aad ee geedi socodka arrimaha doorashooyinka dalka iyo ugu dambeyn heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow oo ku hadlayay magaca Xildhibaannada ka qeyb galay ayaa soo dhoweeyay  warbixinta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaashii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan horumarinta dowladnimada deegaannada maamulkaasi.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda dhexe ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur galbeed in ay ka shaqeeyaan u adeegidda bulshada dhibaateysan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo gaba gabada kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Baarlamaanka 10-aad uu dhameystiray shuruuc walba oo la xiriirta arrimaha doorashooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.