Maqaal:Taariikhda qaar kamida Odayaasha Beelaha Hawiya

odayaalhawiye

Inta aanan toos u abaarin jeerkii la abuuray iyo taariikhdooda  aan dib ugu naqdo waqti dheer oo hore iyo isbedelo kala danbeeyey koox diimeedyo hadaba nooc u xuubsiibaayey,Waxaan ahaa arday dhiganaayey iskuulka macalin jaamac 1965tii waxaana si qarsoodi ah wadaad uga bilaabay fooq ku yaala Yoobsan koox la oran jirey Iqwaanu Muslimiin dhalashadii Kacaankii 1975tii markii ay xoogaa noqdeen waxay la baxeen Waxdatu shabaabul Islaam burburki 1991dii markiiba waxaa soo baxay magacii Al Itaxaad, dawlad la’aantii darteed waxay gaareen  gobolo iyo degmooyin badan waxaana ku soo darsamay ajaanib haddaba waqtigii loo doortay AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed madaxweynah waxay isu badaleen Maxaakiim.

Hadaba waa Meesha aan u socdaye ODAYAASHA BEELAHA HAWIYE waxaa abuuray wadaadadii horboodaayey maxaakiimtii si ciidankii maxaakiimta ay taageero uga helaan bulshada,Cabdullaahi Yuusuf iyo dawladiisiina loo tuso Daarood duulaan soo ah, Hawiyana looga horgeeyo, waayo kooxdiimeed waxay ku cayilaan waa meel aan dawlad ka jirin, siiba dalalka burburay sida Soomaaliya haddaba aan u sheego dadkayaga ku nool Xamar ama Beesha Hawiye in  Maxaakiimtii ay dhaleen Al Shabaab waxaan kale oo idiin sheegayaa in aan kooxdiimeedkaas hadba nooc u xuubsiibaayey aan qofka la shaqeeyaa ka bixin kii isku daya inuu ka baxana dil baa u qoran, sidaas dared nimanka labaxay Odayaasha Beelaha Hawiye ma aha dhaqanka soo jireenkaa ee Hawiye dadka kale ee Soomaaliyeedna saas ha u ogaadeen.

Haddaba in aan arintaan ka hadlo waxaa igu dhaliyey wixii ay ku hadleen 15/09/2020 ee geeridii naxdinta lahayd Gabartayadii AUN  Xamdi Maxamed Faarax,reerkii iyo eheledii ay ka baxday illoow Samir iyo iimaan ka sii ayyadana Jana Fardowsa ka waraabi oo haddana ay geeridii iyo murugadii Soomaali oo dhan gaartay ay ku dareen Siyaasad,doorsho iyo hanjabaad,ogaada nimankaan waxay u shaqeeyaan nooc kasta oo dawladnimada Soomaaliya lid ku ah qabyaaladana waa ku qaraabtaan tusaale Mr Xasan Xaad Saddex Sano iyo bar Xassan Cali Khayre Xafiiska Joogay yaa hadal ka maqlay?Jawaabtu waadinka.

Waxaan aamin sanahay in dilka iyo kufsiga Xamdi Maxamed Faarax uu ahaa shirqool siyaasadaynaa oo xeer sare ah waxaana hay’adaha baaraaya ka codsanayaa in si qotadheer u baaraan dadkana la wadaagaan wixii soo baxa welibana la dedejiyo.

Waxaa qoray DHIBLAAWE.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.