Sawiro:Sii hayaha ra’iisul wasaaraha oo qaabilay safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya

mahdi

Sii-haayaha Xilka Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya ,Mr Staffan Tillander.

Kullanka dhexmaray labada mas,uul ayaa waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka joogtada ah ee ka dhexeeya labada dal,waxa ayna sheegeen in labada dhinac ay ka go’antahay in ay xoojinayaan calaaqaadka ka dhexeeya labada dowladood.

Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka ayaa kaga mahad celiyaya dowladda Sweden taageerada iyo garab  istaaga ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.