Puntland oo Diginiin kasoo saartay Roobab kusoo wajahan Deegaanadeeda

roob

Farriin digniin ah oo ka soo baxday Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka cimilada dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay todobaadkan la saadaalinayo roobab mahiigaan ah oo ka da’aya gobollada Bari iyo Sanaag, islamarkaana ay ka dhalan karaan daadad lixaad leh oo qasaare nafeed iyo mid hantiyeedba gaysan kara.

Wasaaraddu waxay si gaar ah ugu digtay dadka dagan dhulka biya mareenka ah, togagga iyo meelaha hooseeya inay taxadar gaar ah sameeyaan, kana fogaadaan meelaha u nugul halista imaan karta, si ay naftooda iyo hantidooda u badbaadiyaan.

Farriinta digniinta ah ayaa lagu sheegay in aan la sahashan saadaasha dhiillada leh, sidaas darteedna digniinta la gaarsiiyo bulshada gobolladaasi oo dhan, si ay diyaar garow uga sameeyaan xaaladaha la filan karo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.