Qoorqoor oo dalbaday Inuu ka qayb gala kulanka Aqalka Sarre

qoorqoor

Madaxweynaha  Maamul Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta lagu wadaa inuu ka qeyb-galo kulanka Aqalka Sare ee Somalia.
Qoor Qoor ayaa la filayaa in khudbad uu ka jeediyo xarunta Aqalka Sare, taas oo uu uga hadlayo arrimaha Galmudug, xaalada siyaasadeed ee dalka iyo shirka Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku war-geliyay dhammaan Senatorada Aqalka Sare in kulanka maanta uu mihiim yahay, islamarkaana uu ka soo qeyb-geli doono Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug   xildhibanadan  ay su’aallo weydiin doono Madaxweyne Qoor Qoor oo maalmahaan ku sugnaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxwaynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa horay uga qayb galay kulamada Aqalka Sare.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.