Lafta Gareen oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

Lafagareen

Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hoyga uu ka deganyahay muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage.

Madaxweynaha ayaa Warbixin ku saabsan Amniga iyo guulaha laga gaaray Ciribtirka argigixisada ka dhagaystay taliyaha waxaana uu tilmaamay Generaal Odowaa in cadowga Alshabaab qasaaro iyo jab xooggan loogu geystay howlgaladii ka socday qeybo kamid ah Gobolada Koonfur Galbeed.

Ciidanka Xooggane ay wadaan sidii guud ahaan dalka looga sifeyn lahaa Maleshiyada Alshabaab iyagoo sidoo kale bilaabi doonan howl-galo ku aadan Furida wadooyinka deegaannada iyo xureynta Goobaha ay kaga harsanyihiin Argigixisada Koonfur Galbeed .

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa taliyaha uga mahadceliyey kuna bogaadiyey howlgalada ay wadaan ciidanka xoogga dalka ee lagu si feynayo Argigixisada ee ka socda guud ahaan dalka waxaana uu Xusay Madaxweynaha ay ka go’antahay sidii cadowga loogu si feyn lahaa goobaha ay kaga harsanyihiin deegaannada Koonfur Galbeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.