Madaxweynaha Galmudug Oo Ku Wajahan Magaalada Baydhabo

qoorqoor

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa maanta inuu gaaro magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, halkaas oo ay ku sugan-yihiin madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle.

Magaalada Baydhaba ayaa waxaa ka furmaya shir u dhaxeeya seddaxdaas madaxweyne goboleed, iyagoo ka arinsan doona sida ay ka yeelayaan heshiiskii lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb-3, isla markaana talo mideysan ay ula imaan lahaayeen Muqdisho.

Sidoo kale madaxdan ayaa la sheegay inay aqbaleen casuumaad uu u fidiyey madaxweyne Farmaajo, isla markaana shirka Baydhaba kadib ay Muqdisho soo gaari doonaan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in 10-ka bishan oo ku beegan Khamiista berrito uu Muqdisho ka furmi doono shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.