Madasha Aqaanyahanada Gedo oo Cambaarayn u jeediyey Deni

deni

War-saxafadeed kasoo baxay Madasha Aqaanyahanada Gobolka Gedo ayaa waxay si kulul u cambaareeyeen Madaxwaynaha Puntaland Siciid Cabdulaahi Deni.

Gobalka Gedo waxuu ka mid yahay meelaha wax-barashadiisa aysan saamayn bur-burkii Dalka, loona soo doonan jiray cilmiga horraan iyo hadaba, kana faa’idaystay Dowladaha dariska la ah juquraafi ahaan, waxaana xusid mudan in uu markasta Horumuud u ahaa howlaha wax-barashada tan iyo intii Imtixaanka Qaranka la mideeyey.

Sidaas daraadeed, Madasha Aqoonyanka Gedo-Gedo intellectual forum- (GIF) waxay cambaaraynaysaa hadalka aan laga fiirsan ee Madaxwayne Deni oo ka fog fahamka Dowladnimada iyo shaqooyinka Hay’adaha Dowladda ay u madax-banaanyihiin. Waxaa kaloo GIF ay cambaareynaysaa in natiijada imtixaanka ardayda Gedo looga dhigto gabaad ka haritaanka Putland ee Imtixaanka Qaranka oo ah howl shaqo ay tahay in Wasaaradda ay kala xaajoodaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.