Madaxwayne Farmaajo oo shir ku casuumay Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka in ay ka soo qeyb galaan shir ay u dhanyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Shirkan oo dhici doona 10-ka bishan waxaa lagu dhammeystiri doonaa hanaanka doorashooyinka dalka, iyadoo uu saldhig u yahay heshiiskii Samareeb-3 oo ay ka soo baxeen qodobo lagu qeexayey hanaanka doorasho ee dalku wajahayo, sida uu sheegay agaasinka warfaafinta ee madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa haatan ku sugan Muqdisho, waxaana lagu wadaa inay madaxweynayaasha Hirshabeelle, Galmudug iyo koofur Galbeed ay iyaguna caasimadda soo gaaraan, si ay uga qaybgalaan shirkan muhiimka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.