Sawiro:Siihayah Xilka Ra’iisalwasaaraha oo qado Sharaf u sameeyey Deni

deni

Sii hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisalwsaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hoygiisa qado Sharaf soo dhoweyn ah ugu sameeyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdigiisa oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Sii hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxwayne Deni ayaa kawada hadlay Xalaada Dalka marayo iyo sidii looga shaqeyn lahaa in dalka ay dhacdo Doorasho laysku waafaqsan yahay.

Madaxwaynaha Puntland ayaa Sii hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha uga Mahadceliyey Qado sharafta uu usameeyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.