Sawiro:Madaxweynaha Hirshabeele oo gaaray Baydhabo

waare

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Maagalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo dhigiisa Koofur Galbeed uu ku soo dhaweeyey.

Madaxweyne Waare oo ay socdaalkiisa ku wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan labada Golle ee Hirshabeelle, waxa uu Baydhabo kaga qaybgali doonaan shir u dhexeeya dawlad goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Shirka waxaa looga hadlayaa xiriirka ka dhexeeya dawlad goboleedyada, arrimaha siyaasadeed ee dalka gaar ahaan doorashada soo socota iyo iskaashiga amniga oo ay ugu horrayso la dagaalanka xagjirka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa isna la filayaa inay gaaraan dhawaan magaalada Baydhabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.