Ciidamada Dowlada iyo Shabaab oo ku dagaalamay Balcad

dagaal

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa iska caabiyay weerar maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isku dayeen ineey kusoo qaadan magaalada Balcad ee gobolka shabeelada dhexe ,Ciidanka ayaa halkaas qasaare xoogan kugaarsiiyay maleeshiyaadkii weerarka sooqaaday.

Gudoomiya Degmada Balcad oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay aad u daciiftay awooda kooxda arxanka daran ee Al-shabaab asaga oo xusay in ay quus ka joogaan kusii noolaanshaha deegaanada Gobolka.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in ay u diyaarsanyihiin ayaga oo kaashanayo Ciidanka Xooga Dalka in ay alshabaab ka saaraan goobaha ay kaga suganyihiin Gobolka.

Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Alshabaab ayay Ciidanka xoogga dalka ku dileen  magaalada Balcad  kuwaasi oo ay ku jiraan horjoogayaal islamarkaasna uu kamid yahay horjoogihii howlgalada  shabeelada dhexe u qaabilsanaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.