Maxuu Yahay Xirirka ka dhaxeeya Dr Xasan iyo ardayda Dhacday??

drxasan

Wasaarada waxbarashada Soomaaliya ayaa Maalmo ka hor ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Dugsiyada sarre ee Soomaaliya.

Wasaarada waxbarashada ayaa sheegtay inay dhaceen Arday tiradooda dhan tahay 8000 taas oo dad isugu jira Macalimiin, Waaladiin iyo Siyaasiyiin ay ka muujiyeen walaac.

Dr Xasan Sheekh Cali oo kamida Macalimiinta wax ka dhiga Magaalada Muqdisho ayaa waqtigiisa inta badan ku baxsha Fadhi ku dirir iyo wax ka sheegid Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Macalinka waakan waqtigiisa ku bixiya waxbarida Ardayda uu Macalinka u yahay, lama arag Macalin waqtigiisa inta Badan ku bixiya Siyaasada.

Waxaa kaloo sababay inay Ardo Badan dhacdo Cudarka Covid 19 kaas oo adkeeyey isu socodka, waxaana yaraa u diyaar garowga Imtixaanka Madaama goobihii waxbarshada Mudo xirnaayeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.