Fiqi oo Bililiqaystay Kursigii Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Qoorqor bahdil kuhayo wasiirada Galmudug

wayeel

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shalay waxuu Magaalada Jabuuti kula Kulmay Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxwaynaha Jabuuti ayaa Qoorqoor iyo waftigiisii kusoo dhaweeyey qarsiga Madaxtooyada waxaana laba saf u kala fariistay wasiirada Jabuuti iyo wasiiradii la socday Madaxwaynaha Galmudug.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin fiqi ayaa Bililiqaystay Kursigii Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac Cabdiwaayeel taas oo kaliftay Wasiir arimaha Gudaha Galmudug inuu iska fariisto kursigii kale ee Banaanaa.

Dhanka Kale Madaxwaynaha Galmudug ayaanan tixgalin siin wasiirada Galmudug intooda Badan wuxuuna booskooda ku badalay niman aan la shaacin shaqada ay u hayaan Galmudug ee kala ah Axmed Cabdi Salaan iyo Jamaal Guutaale.

Fowdadaan ay ku kaceen wasiirka Amniga Galmudug Fiqi iyo Madaxwaynaha Galmudug ayaanan ahayn mid cusub balse marar badan ayey midaan iyo mid kaxun kasameeyeen Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.