Shabaab oo weeraray Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

diyaarad

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa isku dayay inay weerar ku soo qaadaan Garoonka Diyaaradaha Dhusamareb, halkaas oo ay dagan yihiin Ciidamada AMISOM oo kala socda Jabuuti iyo Ethiopia, balse ciidamada ayaa ka hortegay oo fashiliyay isku daygaas.

Cidamada ayaa helay xogta ah in dhagarqabayaasha Al-Shabaab ay maleegayaan weerar ka dhan ah garoonka diyaaradaha, waxaana ciidamadu ay ku guuleysteen inay ka hortagaan oo ay fashiliyeen weerarka.

Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada ay baacsadeen maleeshiyaadkii isku dayay weerarka dhicisoobay, haatanna ay degantahay xaaladda.

Ilaa iyo hadda lama ogo qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka dhacay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.