Sawiro:QoorQoor oo La Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

qoorqoor

Madaxwyenaha Maamulka Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdiga uu hogaaminayey ayaa maanta aqalka madaxtooyada Jamhuuriyadda Djibouti kulan kula qaatay Madaxweynaha Dalkas mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa lagu qaadaa-dhigay arrimo muhiim ah oo dhinacyo kala duwan taabanaya oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga iyo amniga.

Madaxweynaha Galmudug waxaa ku wehliyay shirkaan Wasiirada Amniga, Arrimaha Gudaha, Gaadiidka Jamaal Guutaale, Axmed Cabdisalaan, iyo Masuuliyiin kale. Dhinaca kale waxaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku wehliyay kulankaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaadiidka, Maareeyaha Guud ee dekadaha Jabuuti iyo Danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.