Sawiro:Agaasimaha Hay’adda Socdaalka ayaa kormeeray Bar-xuduudeedka Qeydar

jinsiyada

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi, ayaa booqasho ku tagay bar-xuduudeedka deegaanka Qeydar ee Gobolka Galgaduud oo ku taala Xuduuda Ethiopia ayaa waxaa ku wehlinayay Taliyaha qaybta Boliiska Galmudug General Bishaar Abshir Geedi ,Gudoomiyaha magaalada Guriceel Faarax Macalin Cabdi iyo Saraakiil ka tirsan Galmudug.

Agaasime Koofi iyo mas’uuliyiinta kale ayaa la kulmay dadka deegaanka Qeydar waxayna warbixino ka dhageysteen odayaasha iyo dhalinyarada deegaanka.

Guddoomiyaha magaalada Guriceel, Faarax Macalin Cabdi, ayaa sheegay inuu heer gababa ah marayo dhismaha xafiiska bar-xuduudeedka deegaanka Qeydar oo ay ku howlgali doonaan saraakiisha Hay’adda Socdaalka si looga warqabo isusocodka xuduuda.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS G/sare Maxamed Aadan Koofi, waxa uu xusay in ka hay’ad ahaan ay wax ka qabanayaan baahiyaha ay sheegeen dadka degaanka, isagoona codsaday dadka ku nool deegaanka inay la shaqeeyaan xubnaha hay’dda ee ku shaqeyn doona bar-xuduudeedka Qeydar.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS ayaa sanadihii la soo dhaafay xafiisyada socdaalka ka hirgalisay bar-xuduuudeedyada Soomaaliya si loo la socda dadka dalka soo galaya loona hubiyo dokumentiyadooda.

700

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.