Galmudug oo Lacag la’aan ku dhacday iyo saldhig Boliis oo ganacsato la wareegeen.

balanbal

Maamulka goboleedk Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxa soo wajahay caqabado badan oo ugu horeyaan dhaqaalo daro baahsan waxayna bixin waayeen Mushaarkii shaqaalaha, lacagtii ay ka daynsadeen Ganacsatada Galmudug ee lagu marti soray Madaxdii Dowlada iyo Kuwii Maamul goboleedyada ee ka qayb galay Shirkii Dhusamareeb.

waxaa kaloo maamulka Galmudug bixin waayey lacagtii lagu dhisay Saldhiga Boliiska ka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud kaas oo ay albaabada isugu laabeen Ganacsato dhistay oo aan wali lacagtoodii la siin.

xiritaanka saldhiga Degmada Balanbale ayaa ku soo aadaya xili saaka la rabay in ay xilal kula kala wareegan taliyihii hore ee Boliiska Maxamed cabdirisaq Tooreye iyo taliya cusub ee haatan xilka degmada loo magacabay Axmed cabdi Maxamed.

Maamulka Galmudug ayaa wali dhaqaalo ka helin dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana hada socda sidii loo midayn lahaa Canshuurta laga qado Deeganada galmudug taas oo aan horay ugu dhici jirin qasanada Wasaarada maaliyada Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.