Sawiro:Madaxwaynaha Galmudug oo furay Kalfadhiga 2-aad ee Gollaha Wakiillada Galmudug

qoorqoor

Xafladda furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug oo ka dhacday xarunta Shiirkole, waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Gacal, Xildhibaano, Wasiiro, Bulsha rayidka, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Khudbado kala duwan ayaa laga jeediyey munaasabadda furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug.Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Dr Maxamed Nuur ayaa sharxay waxyaabihii uqabsoomay kalfadhigii 1-aad iyo waxyaabaha u qorshaysan kalfidhigaan.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug, waxa uu jeediyey khubad dhaxalgal ah oo dhinacyo badan khuseysa sida; amniga, dib-u-heshiisiinta, garsoorka, dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo arrimaha siyaasadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.