Qoorqoor oo Magcaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug

qoorqoor

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xeer soo baxay oo ku astaysan 26 Agoosto, 2020 ku Magacaabay Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda GalmudugMarkuu arkay Qod: 6aad ee dastuurka DGM ee qeexaya sarreynta sharciga.

Markuu arkay: Qod.18aad ee dastuurka DGM ee qeexaya dhawrista xaquuqda eedeysanaha.

Markuu arkay: Qod:46 ee qeexaya awoodaha madaxweynaha.

Markuu arkay: Qod:60aad,61aad iyo 62aad ee dastuurka DGM ee xeerinaya garsoorka Galmudug.

Markuu helay soojeedinta: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DGM

Markuu garowsday: baahida deg deg ah ee loo qabo dhisidda hay’adda xeer ilaalinta ee DGM

Markuu la tashaday: madaxweyne ku xigeenka DGM Wuxuu soo saaray xeerkaan: Qodobka 1aad Waxaa loo magacaabay Mudane: Cabdicasiis Nuur Xuseen Xeer ilaaliyaha guud ee DGM Qodobka 2aadXeerkan wuxuu dhaqangalayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo waana saxiixay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.