Akhriso:Aqoonyahanada Gedo oo war kasoo saaray Shirka Baladxaawo

gedo

Madasha Aqoon yahanada Gobolka Gedo “”GEDO INTELLECTUAL forum”” oo xeerinaysa Xaalada isbadalaysa ee gobolka Gedo haday ahaan lahayd Amniga, Horumarka, waxbarashada, Caafimaadka iyo adeega bulshada waxay Baaq u dirtay masuuliyiinta ka qayb galaysa Shirka wada tashiga Maamulada Gobolka Gedo.

  • Madasha aqoon yahanada Gobolka gedo waxay soo dhaweysay shirka Baladxaawo iyadoo u aragta Tilaabo horay Loo qaaday.
  • Madasha waxay soo jeedinaysa in shirka diirada lagu saaro Nolosha iyo horumarka dadka iyo Deegaanka.
  • Madasha waxay soo jeedinaysa go’aamada kasoo baxa shirka inay noqdaan kuwa u qalma kana tarjumaaya aragtida Bulshada Gedo.
  • Madasha waxay Bogaadinaysaa isku xirnaanshaha, Midnimada iyo isdhexgalka Bulshada Gedo.
  • Madasha waxay adkaynaysaa ilaalinta maamul wanaagga, Maqaamka xarinta Gobolka iyo haybadda Dowladnimada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.