Qoorqoor oo kabaxay heshiisyadii uu la galay Beelaha Galmudug

qoorqoor

Madaxwayanaha Galmudug Cabdi kaariye Qoorqoor ayaa markii la doortay waxuu Balanqaaday inay Galmudug Noqonayso Mid ka duwan tii hore oo Cadaalad iyo horumar ku dhisan.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa safar dhulka ah ku maray Magaalooyinka Galmudug intoobadan waxuuna Safarkiisa ku saabsanaa sidii uu usoo ogaan lahaa Baahiyaha kajira Deegaanada Galmudug una dhagesyan lahaa talooyinka iyo Tabashada Bulshada Galmudug.

Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Galmudug ayaa waxay kula taliyeen Madaxwaynaha Galmududg iyo Waftigiisa Qodobadaan hoos ku qoran.

1:- In wax gala qabto Colaadaha iyo dagaalada dhexmara Beelaha galmudug dib uheshiisiin dhab ah na la sameeyo.

2:- in si cadaalada wax loo qaybiyo jagooyinka ka banaan wasaaradaha Galmudug, Taliyaasha Cidamada kala duwan ee Galmudug, Agaasimayaasha iyo Shaqaalaha ka duwan ee la qorayo oo ay kamid yihiin latiyaasha Madaxwaynaha, Madaxwayne kuxigeenka iyo dhamaan wasaaradaha Galmudug.

3:- In lasyku dhafo Ciidamada Galmudug lana sameeyo xero kuligood lagu toobabaro si loo helo ciidan tayo leh oo aan ahayn mid beeleed.

4:- In laga shaqeeyo horumarinta adeegyada Bulshada sida Caafimaadka, Waxbarshada iyo dayactirka garoomada Diyaaradaha iyo wadooyinka.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa hada aan waxba ka fulin talooyinkiii Bulshada Galmudug waxuuna Bilaabay inuu toobabaro u furo Ciidamo aan isku dhafnayn oo beelwalba maleeshiyaadkeedii gaar loo toobabarayo.

Madaxwayne Qoorqoor ayaa dhanka kale iska dhaga tiray talooyinkii bulshada Galmudug ee ahaa in Shaqaalaha la qorayo si cadaalada Beelaha wax loogu qaybiyo waxaana uu Shaqaalaysiiyey 30 Qof oo ay isku beel yihiin oo uu kamid yahay Jamaal Guutaale, Axmed Cabdisalaan xaaji aadan iyo kuwa kale oo uu jagooyin kasiiyey Wasaaradaha Galmudug.

Waxaan wali la ogayn Madaxwayne QoorQoor inuu qaadi doono Jidkii ay Galmudugtii hore ku burburtay iyo inuu isbadal dhaba oo Bulshada Galmudug horumar u horseeda la imaan doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.