Daawo:Maxkamada Gobolka Banadir oo Xukuno ku Riday Agaasimeyaal Ka Tirsan Dowladda

maxkamad

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Isniin ah xukuno kala duwan oo isugu jiray xabsi iyo ganaax lacageed ku riday Agaasimeyaal ka tirsan Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Maxkamadda Gobolka ayaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdullaahi Xaashi Cali ku xukuntay 9 sanno oo xabsi ah iyo 2,366 oo lacag ganaax ah, halka Maxamuud Buule Maxamuud oo ah Agaasimaha  waaxda Maaliyada iyo Maaliyada Caafimaadka lagu xukumay 18 sano oo xabsi ah iyo 2,366 oo Dollar.

Sidoo kale Maxkamadda Gobolka ayaa Madaxa Mashruuca Malaariyada Caafimaadka ku riday xukun ah 3 sano oo xabsi ah, halka Agaasimaha qeybta Xisaabaadka isna lagu xukumay 12 sano.



Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.