Axmed Madoobe oo safar aan la shaacin ku tagay Garoowe

madoobe

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha ku meel gaarka ah Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada maamulka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Labadiisa Guddoomiye ku-xigeen Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Saraakiil Ciidan, Haweenka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .

Axmed Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay Puntland waxaa uu kulamo lagaga hadlayo Xaalada Dalka ee Siyaasada Amniga iyo Hormarka uu la yeelan doona Masuuliyiinta Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.