Diyaaradii Axmed Madoobe waday oo jaad gaysan Magaalada Garoowe

axmedmadoobe

Magaalada Garoome Caasumada maamulka Puntland waxaa maanta Gaaray Madaxwaynaha ku meel gaarka ah ee Jubbaland Axmed Maxamed islaam “axmed madoobe”.

Diyaaradii Madaxwaynaha Jubbaland Kismaayo kasoo qaaday ayaa waxay waday Jaad cadadiisa lagu sheegay 120 Jawaan kaas oo si qarsoodi ah looga Keenay Dalka Kenya.

Qaar kamida Masuuliyiintii Madaxwaynaha Ku meelgaarka ah Jubbaland kusoo dhaweeyey Garoonka Diyaradaha garoowe ayaa sheegay inay arkeen Jaad juwaano ku jira oo diyaarada Laga Dajiyey.

Waxaan wali la cadayn jaadka Saarnaa Diyaaradii Axmed Madoobe waday uu ahaa mid hadiyad ah iyo inuu ahaa mid ganacsi loo waday.

Maamulka Puntland wali kama uusan hadlin Diyaaradaan sida qarsoodiga ah Jaadka ku gaysay Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.