Sawiro:Deni Oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Punland

deni

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey kulanka uu la yeeshay golaha wasiirada Puntland.

Kulanka oo Madaxweynaha uu ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Punland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale ka qeybgalay La taliyayaal Madaxweyne.

“Madaxweynaha ayaa golaha uga warbixiyey safarkii uu ku tegay Dhuusamareeb oo uu kaga qeybgalay Shirka looga hadlayey doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu golaha uga warbixiyey Safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti iyo shaqadii wanaagsaneyd ee laga soo qabtay gobolka Mudug oo Madaxweynuhu Safar ku tegay, isagoo booqday degmooyin iyo deegaamo ka tirsan gobolkaasi.” Ayuu yiri Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.

Hay’addaha Dowlad goboleedka Punland  waxaa la faray in Shaqadu ay sidoodii hore kusoo laabato, sida gudashada shaqada iyo saacadaha la imanayo Xafiisyada , Iyadoo la soo saarayo Hab-raacyo kooban oo Caafimaad kuwaasi oo ku saabsan sida loola noolanayo khatarta xanuunka Covid19.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.