Maxay Soomaalidu ka Baran Kartaa Shirarkii Samareeb 1, 2, iyo 3

cabdixaashi

Soomaalidu dhaqan wax qora oo taariikhda keydiya malaha,marka laga reebo Suugaanleeyda oo hadba waayaha markaas jira tixo ku cabira,waana waxa kaliya taarikhii hore ee la soo maray xusuusreeb u noqda,inta badana xumaha bay ka haddashaa Soomaalidu ee soo bandhigida wanaaga aalaa ma daneyso.

 Inta aanan u gudbin su’aasha sare saddex Sano iyo lix bilood iyo maalmo ayey jirtaa xukuumada Soomaaliyeed ee la dhisay 08/02/16 maalintaas ilaa manta waxay jirey koox isku xiran ee inta badan joogta Muqdishow, Kismaanyo iyo Garoowe oo aan maalin kaliya ka nasan in aan dawladnimada Soomaaliyeed horey u socon waxay xooga sareen arimahaan;-

1-Ilaa saddex jeer waxay isku dayeen in madaxweynaha mooshin(IMPEACHMENT)ku ridaan.

2-Intaas wax ka badan si la mid ah Resulwasaarihii.

3-waxay marar badan isku dayeen in ay iska horkeenaan,manta oo waqtigu gabagabo maraayo bay ku guuleysteen markii ay leexsadeen Resulwasaarihii.

4-waxay ceebeyn jireen dhalinyaradii faraha badneyd e xabsiyada caalamka ku xirneyd ee dalkooda lagu soo celiyey,ereyada ay [Ahmed Jim1] isticmaali jireen waxaa ka mid ahaa waa igu sawir.

5-waxay carqalad ,dacaayad iyo iskuday horistaagid ku sameyn jireen deyn cafinta.

6-Sidaas si le’eg dhismaha ciidamada si qaranku u yeesho awood ciidan oo ku filan maamulada khaarkoodna waa diideen tayeynta Ciidanka XDS.

7-Waxay xoogga sareen in aan waxbarashadu noqon mid tayo leh oo mideysan.

8-Waxay doorbidayeen in talada dalka Soomaaliyeed ayan noqon mid madaxbanaab oo dadkiisa ka go,da.

9,Waxay mar kasta hortaagnaayeen in maamulada Gobolada iyo dawlada dhexe wada shaqeeyaan.

10,Waxay mar kasta ku hawlanaayeen la shaqeynta dawladaha cadawga u ah Soomaaliya  Sida Kenya iyo Imaaraadka.

Dhammaan arimahaas dawladu ahaba lugaha lugu dheganaadee guulo la taaban karo bay ka soo hoysay.

Haddaba shirkii Samareeb Maamulada Jubalaand iyo Puntilaand,markii ay dhawr jeer diideen cusuumaadii Madaxweynaha bay maamulada kale ka codsadeen in ay shir gaar ah ku yeeshaan Samareeb,waxaana saas ku dhacay shirkii Samareeb Kow.Waxaa ku xigay kii Samareeb Labo oo ay Madaxda DFS ku casuumeen,waana tii lagu gaaray gudi farsamo oo doorashada ka soo talabixi kana kooban maamulada gobolada iyo DFS in la sameeyo lana isu yimaado 15/08/20,talo kooxda aan sare ku xusay bay uga baaqsadeen Jubalaand iyo Puntilaand,macnahuna waan yaan horey loo socon oo dawlada shisheeye ka danbeeyaan.

Haddaba aan ku soo ururino arinta in uu shirkii Samareeb cadawga kuwa u shaqeeya ee ah Keenya iyo Imaaraadka uu daaha ka rogay oo koley anigu waan ogaa iyo dad badane cidna manta ka qorsooneyn.

Waxaan ku soo koobayaa Axmed ma xukumo dadka Jubalaand Kismaanyo oo uu ku soo ururiyey wiilal uu Soomaaligalbeed ka keenay buu ka joogaa doorashana uma diidi karo.Puntilaand boqorkii,isimadii ,aqoonyahanada,culumada iyo shacbigii karaamada ku lahaa taariikhda Soomaalida miyeysan ujeedin in Saciid Dani godmadoow ku riday magacooda?

Wabilaahi towfiiq.


 [Ahmed Jim1]

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.