Dhageyso:Boliiska Caabudwaaq oo Gacanta kusoo dhigay qamri laga keenay Itoobiya

qamro

Ciidanka Boliiska degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan degmada waxey ku soo qabteen maandooriyaha Qamriga iyo dadkii ka ganacsanayay.

Taliyaha Boliiska saldhiga degmada Caabudwaaq G/le Qalbi Axmed Cali oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen 7 kamid ah dadka ka ganacsada maandooriyaha Qamriga.

Taliyaha ayaa tilmaamay in maandooriyahaan laga soo geliyo dhanka Itoobiya wuxuuna bulshada iyo dadka keenaba uga digay isticmaalka iyo ka ganacsiga Qamriga oo diinta Islaamku mamnuucday isticmaalkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.