Sawiro:Xaflad uu xilka kula wareegayay taliyaha cusub ee guutada 5-aad ayaa lagu qabtay Beledweyne

baladwayne

Munaasabad ay xilka kula kala wareegayaan taliyaha cusub ee guutada 5-aad qeybta 27-aad ciidanka xoogga dalka gobolka Hiiraan, korneyl,  Maxamuud Xasan Ibraahin “Baakaay” iyo taliyihii hore ee guutada, Faarax Cali Waasuge “Kooshin” ayaa hadda ka socta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa xilka la wareegaya taliye ku xigeenka guutada 5aad qeybta 27-aad ee gobolka Hiiraan G/le Dhexe Cabdullaahi Barre Cilmi oo bedelaya G/le sare Maxamed Cabdi Xasan oo ah taliye ku xigeenkii hore ee guutada 5-aad.

Taliyihii hore ee guutada 5-aad qeybta 27-aad oo ka hadlay munaasabadda ayaa yiri”Waxaan ku faraxsanahay inaan si sharaf leh u wareejiyo xilka,waana ku soo dhaweynaa saraakiisha cusub ee la magacaabay”.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ah maamulka gobalka Hiiraan,saraakiisha AMISOM, saraakiisha ciidanka qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.