Madaxweyne Farmaajo oo Magaalada Dhuusamareeb Magacii ka badalay

Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaca ka badalay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Magaca Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxuu dhaliyey Maalmihii dambe dood taas oo bulshada Galmudug gaar ahaan kuwa caasumada Galmudug ay ka doodayeen sidii loo badali lahaa magaca Dhuusamareeb.

Madaxwayne farmaajo ayaa waxuu yiri “Shirkii Dhuusamareeb 2 waxaa la ii keenay soo jeedin la iyiri magaaladaan waa magalo Taariikhi ah magaceduna waa magac ka duwan magacyada magaalooyinka Soomaalida marka si aan u casriyeyno magaca magaalada waxaa Madaxweynuha iyo Masuuliyiin badan iga codsadeen inaan ugu dhawaaqo magac kale oo la yiraahdo Sama-reeb”

Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xiligan wixii ka dambeeya loogu yeeri doonaa magaalada Sama-reeb.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.