Tirtiradii Soomaaliya oo Gabagabo Maraysa

cabdixaashi

14/08/20 waxay ahayd markii Beesha caalamaka dadka Soomaaliyeed inta badana utaqaan Beesha Lixaad ay soo saareen baaq meel ku dhac ku ah madaxbanaanida Soomaaiya,aan ku soo ururiyo saddex qodob oo ah sidaan.

1-Amar la siinaayo hay’adaha tastuuriga ee Dawlada Soomaaliya sida madaxweynaha, Baarlamaanka, dawlad goboleedyada axsaabta siyaasada IWM.

2-Tahdiid haddii ay ka leexdaan hay’adaha sare amarada la bixiyey in tilaabo laga qaadi doono “Tahdiid oo macnaheedu yahay in soomaali loo talinayo”.

3-Dawladaha go’aanka ka qaatay Soomaaliya waxaa ku jira Keenya iyo Itoobiya Maxaa ka reebay dawladaha kale ee ciidamadu kajoogaan dalka maxaa ka reebay qorshaan ku socda Soomaaliya?

15/08/20 Waxaa kalfadhigii Barlamaanka ama Golaha Shacabka tegey Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (FARMAAJO),wuxuu ka jeediyey khudbad xambaarsaneyd mas,uuliyada dhab ah dareen wadaniyadeed iyo tusaaleyn hay’adaha dawlada ee kala duwan iyo shacbiga Soomaaliyeed,kuna qotantay awooda iyo talada dalka in ay ayyagu leeyihiin cid kalana aan loo dabafariisaneyn,gaar ahaan arimaha doorashada oo waxa hadda laysku hayo salka u ah.

16/08/20 waxaan dhegeystay gudoomiyaha aqalka sare  Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka falcelinaaya qudbadii madaxweyne Farmaajo wuxuu ku tilmaamay in uu sharciga jabiyey waxuu dhaliishiisa u weynaa u soo qaaay in madaxweynaha laga rabay in labada aqal ee wada fadhiya uu qudbadaas ujeediyo.

Dadka Soomaaliyeedoow ma moogtihiin in gudoomiyaha aqalka Sare diiday wada shaqaynta labada Gole iyo in madaxweynaha uu la wada hadlo markii la furaayey kal fadhigaan?

In kasta oo shacbiga Soomaaliyeed qudbadii madaxweyne Farmaajo ku dhalisay dareen wadaniyadeed haddana siyaasiyiin iyo aqoonyahano fara ku tiris ah iyo weliba culumo aan ka xusi karo Shiikh Maxamed Idiriis baa ka falceliyey,haddaba Haddii madaxweynuhu yiri Soomaaliya Soomaali baa leh wax kaliya oo arinteeda go,aamin karaa waa Wakiilada shacbiga oo aqalka Sare iyo golaha shacbiga ka mid yihiin mudane Cabdi Xaashi  ,Gudoomiyaha aqalka sare iyo shaaqsiyaadaka tirade yare e  dhaliilay farmaajo sow uma hiilin qolada beesha lixaad ee dooneysa in dalkaan gumeysi loo celiyo?

Haddaba dadka Soomaaliyeedoow 1991kii waxaa lagu  dhuftay Soomaaliya qumbulad ka xoog badan tii lagu dhutay Heroshiima,wixii naga soo haray oo dhaawac culus ah waxaa lagu dhibib tiray Imbegaati Kenya, Markii Tastuur qabyaladeysan oo lugu sheegay federaal  bahdilka ah iyo tahdiidka Beesha Caalamka waa meydgaraac aan cabsi laga qabin in aan waxdiidi karno,waxayna diyaariyeen shaqsiyaad sida kuwa mucaaradaka sheegta,gudoomiyaha aqalka sare iyo saaxiibadi aqalka kula jira iyo maamulada gobolada qaarkood oo fulinaaya siyaasadooda gumeysi u celintaa.

Culumada uu ka mid yahay Shiikh maxamed Idirii,kuwa hargeysa jooga ,kuwa Xamar fadhiya iyo gobolada kare kaalaya isku imaada idinku oo gaalada in ay na duleyso rabta ka dhiidhiya indhihii dadka iyo diintu waa idinka dhalinyarada iyo shacbiguna waa idiin diyaar.

Haddaad diin sheeganaysaan ma weydnaan arkayn in qaarkeen Soomaalidii kale ka doorteen Yuhuud?

-Sow idiinma muuqato in Gaalada shirtay oo ay ka qaybgaleen Keenya iyo Itoobiya iyo hanjabaadii, micnuhu yahay isma xukumi kartaan ee dalka waxaa loo qaybinayaa labadaan dal ee deriskaa?Jawaabtu waa haah aan nina diidi Karin.

_Sow arki meysaan kuwa annaga naga midka ah dalka in gumeysi loo celiyo ka shaqeynaaya?maba arkaysaan oo qabyaalad baa indha iyo maskaxdaba na tirtaye.

Hadal kayga waxaan ku soo koobayaa min Lowyacado ilaa kismaanyo

Shacbigu ha kaco oo culumada iyo dhalinyarada mustaqbalka leh ha horkaceen Farmaajana  aan taageerno.

Waxaa kaloo noo furan aan calanka buluugaa geyno Jabuuti,Cismaaciil Cumar Geelana ha loo saxiixo shan sano oo madaxweyne ah labada dalna laysku daro.

Haddii aan deg deg loo yeelin sidaas, Soomaaliya waa falastiin ,sida Yuudu u qaada ay baa Kenya iyo Itoobiya u qaadanayaan.

Wabilaahi Towfiiq, Fadlan  qaybi(Share)

Dhiblaawe.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.