Sawiro:Wasiiro ka tirsan Dowlada iyo Galmudug oo Mashaariic ka dhagax dhigay Gedo

garbahaaray

Magaalada Garbahaaray ee Gobolka Gedo waxaa maanta gaaray wafti isugu jira Wasiiro ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Maamulka Galmudug waxaana Waheliyey Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya.

Waftigaan tagay gobolka Gedo ayaa waxaa kamid Gudoomiye kuxigeenka labaad ee aqalka sarre ee Soomaliya Mowliid Guuhaad, Xildhibaan Cabdicasiis Dhagaqool, Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre, Wasiirka kuxigeenka Batroolka iyo Macdanta Maxamuud Hilaal, Wasiirka Warshadaha Galmudug Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame iyo Masuuliyiin kale duwan oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Wasiirka waxbarshada ayaa Magaalada Garbahaaray ka dhagax dhigay Dugsi sarre oo lacag la’aan wax lagu baranayo, waxaa kaloo wasiirka waxbarshada tagay Degmooyinka Baladxaawo, Luuq, Doolow oo iyakana ka dhagax dhigaayo mashaariic waxbarasho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.