Muqdisho:Weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Hote Elite

elitehotel

Maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan argagixisada Al-shabaab ayaa weerar ku bilowday qarax gaari laga soo buuxiyay ku bilowday ka geystay Hotel Elite oo ku yaala xeebta Liido ee degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho.

weerarka lagu qaaday Hotel elite ayaa  sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah oo wadada marayay iyo kow ku sugnaa goobtaasi oo mas’uuliyiin ay kujiraan, sidoo kale dadka dhintay waxaa kamid ah agaasimihii waaxda xiriirka gobolada ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaaq cabdullaahi Cabdi,sidoo kale waxaa dadka dhaawacmay kamid ahaa Maxamed Cabdi Xuseen(Caraaye) oo ka tirsan shaqaalaha Filimqaadayaasha ah ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Dhanka kale wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka tacsiyadeeyey geeriga agaasimihii xiriirka gobolada ee wasaaradda Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi oo ku dhintay weerarkaasi.

Warar kale ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubaysan ay gudaha u galeen hotelka,waxaana goobtaasi gaaray ciidamo ka tirsan laamaha ammaanka oo halkaasi durba ka bilaabay howlgalo.

Xigasho warbaahinta qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.