Madaxwaynaha Koonfurgalbeed oo u dhoofay Dhuusamareeb

laftagareen

Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ka qeybgali doono Shirka Wadatashiga Heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal ayaa goordhow u amba-baxay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Cabdicasiis ayaa halkaasi uga qeybgalaya shir ay yeelanayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya oo lagu gorfeynayo wadashaqeynta labada heer ee Dowladda iyo Doorashooyinka Qaran ee dalka kusoo fool leh.

Magaalada dhuusamareeb ayaa waxaa lafilayaa inay garaan madaxda Maamul goboleedyada iyo Madaxwaynaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.