Daawo:Madaxwayne farmaajo oo Balanqaad u sameeyey Barlamaanka Soomaaliya

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta hortegay golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in dib loogu celiyo awoodda shacabka Soomaaliyeed si ay usoo doortaan hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa  Baarlamaanka ugu mahadceliayay shaqooyinka ay Qaranka u qabteen, wuxuuna sheegay in isagoo ka duulaya hadalki uu dhawaan ka sheegay shirkii Dhuusamareeb ee ahaa in wax walba ee lagu heshiiyo uu dib ugu celin doono golaha shacabka uu ku taaganyahay, isagoo carrabka ku adkeeyay in heshiis kasta oo uu la gaaro Madaxda dowlad goboleedyada uu dib ugu soo celin doono golaha si ay kaalintooda dastuuriga ah uga qaataan.

“Waxaan idiin caddeynayaa inaan halkaan an kusoo celin doono heshiis walba oo aan la gaaro Madaxda dowlad goboleedyada, si aad kaalintiina dastuuriga ah uga qaadataan”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.