Madaxweyne Farmaajo oo galinka dambe maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb

Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, uu Madaxweyne Farmaajo maanta tegi doono magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareega labaad ee shirka wadatashiga.

“Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa maanta magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga”ayuu yiri agaasime Cabdinuur.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.