Daawo:Dekada Muqdisho oo laga Hirgaliyey Nalka Lagu Hago Maraakiibta

mahdi

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudaneMahdi Maxamed Guuleed ayaa xariga ka jaray Masawac laga hir geliyay magaalada Muqdisho oo loogu tala galay in maraakiibtu ay si fudud ugu soo hirtaan dekadda Muqdisho.

Musawaca oo iftiinkiisa xilliyada habeenkii ay meel fog ka arki karaan howl-wadeennada maraakiibta ayaa sahlaya inay gartaan masaafada dekaddu u jirto iyo inay si fudud ugu soo hirtaan.

Sii hayaha xilka Wasiirka Koowaad ee dalka ayaa caddeeyay in dib u furitaanka Musawaca oo 100 sano jirsaday ay qayb ka tahay horumarinta dekadaha gaar ahaan dekadda Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqaale ee dalka.

Xukuumadda ayaa dadaal xooggan gelisay dib-u-dhiska dalka, waxaana horay sidaan oo kale dib loogu soo celiyay edeegyo muhiim u ahaa dowladnimada iyo dib-u-kabashada dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.