Daawo:Soomaali Ku Xirneyd Dalka Tanzania oo soo gaaray Muqdisho

diyaarad

Dadka la soo celiyay oo u badan dhalinyaro da’doodu ka hooseeyso 40-ka ayaad ka dareemaysay farxad markii ay cagaha soo dhigeen dalka, iyagoo ku faraxsan xabsiyada laga soo daayay ee dalka Tanzania halkaasoo ay Safaaradda Soomaaliya iyo Jaaliyaddaba ay u istageen soo deyntooda, laguna soo celiyay dalkooda hooyo.

Qaar ka mid ah maxaabiista oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiintii u istaagay in ay xorriyadooda dib u helaan, iyagoo xusay inay dhibaato ku qabeen xabsiyada dalka Tanzania.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya u Jooga dalka Tanzania Marwo Fardowso Maxamed Qanyare oo ka ah madaxda Safaaradda ee keenay Maxaabiista ayaa u mahadcelisay Safiirka, Jaaliyadda Soomaaliyeed, Hay’adda IOM iyo madaxda Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dadaal badan gelisay soo deysmada Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo Maxaabiis ahaan ugu xirnaa dalka Tanzania.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane, Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay dadka la soo celiyay ayaa uga mahadceliyay, Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, gaar ahaan Qunsul Fardowsa Maxamed Qanyare iyo hay’adda IOM, Isaac Munyae, Iyo Ambassador Maryan Yasin oo ah Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo ka qeybqaatay dadaalka wadareedka dhinacyada badan isagu jira si loo daayo maxaabiista Soomaaliyeed ee dibadaha ku xiran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.